Contact - Somali
Ku soo dhawoow Xarunta Daryeelka Caafimaadka ee Beesha Rexdale
Xarunta Daryeelka Caafimaadka ee Beesha Rexdale waxeey idiin fidineysaa adeegyo kala duwan oo iskugu jira Caafimaadka :-Daaweyn Guud (Dakhatiir), Ilkaha, Dhimirka (Mental), iyo Barnaamijyo loogu adeegayo qof qof, Qosyada iyo dadka ku nool Waqooyiga ee degmada Etobicoke.
Adeegyadu iyo Barnaamijyadu waa lacag la’aan, waxeyna u furan tahay qofkasta, waxaa kale oo adeegyadaan isticmaali kara dadka aanan laheyn Warqada caafimaadka( health card, ) amma kaalmada gargaarka ee daryeelka caafimaad.
Maalmaha iyo Saacadaha Shaqadu socdaan waa:-
Isniinta ilaa Jimcaha :- 8:00 Subaxnimo ilaa 5:00 Galabnimo
Sabtida :- 9:00 Subaxnimo ilaa 2:00 Galabnimo
Rugta (location):
Xarunta Daryeelka Caafimaadka Beesha ee Rexdale waxay ku taala: - 8 Taber Road.
Waxaad ku imaan kartaa Xarunta Caafimaadka Gaadiidka Dadweynaha ee soo mara:-
Baska # 45 Kipling Avenue(Jidka) uga dego meel u dhow JidkaTaber Rd waxay kaa qadan 5 daqiiqo in aad timaado Xarunta Caafimaadka Rexdale. Haddii aad baabuur wadato ogow in barburka meesha la dhigto waa xadidantahay iridka hore , waxaad se soo dhigankartaa Jidka naga dambeeya oo la yiraahdo Brydon Drive,sidoo kale waxaad soo dhigan kartaa balasadda ku taala koonfurta Xarunta oo ah barxada u dhexeeysa Jidka Kipling iyo jidka Taber.
Sidoo kale waxeey Xarunta Daryeelka Caafimaadka Beesha ee Rexdale Maamushaa gobo kale oo ay ku fidiso adeegyo iyo Barnaamijyo qaas ah Sida :-
- 2267 Islington Avenue, qeybta # 14
Isniinta,Talaadda,Khamista iyo Jimcaha :- 9:00 Subaxnimo ilaa 5;00 Galabnimo
Arbacada: - 9 a.m. to 8 p.m.
- Jamestown Hub, 21 Panorama Court, Qeybta # 3
Isniinta – 12 duhurnimo ilaa iyo 5:00 galabnimo
Talaadada Ilaa Jimcaha:- 9:00 Subaxnimo ilaa iyo 5:00 Galabnimo
- Burnamthorpe 427 Community Centre, 609 The East Mall, Qeybta 32
Talaadada, Arbacada, iyo Khamiista 4:00 - 6:00 ilaa iyo galabnimo
- Pathways to Education
Kipling Plaza, 2141 Kipling Avenue, Qeybta # 206
Iniinta, ilaa Jimcaha 10:00 Subaxnimo ilaa iyo 6:00 Galabnimo
Nagala soo xiriir:-
Waxaa laguugu adeegayaa Luqaddo kala duwan, haddii aad rabto fa’faahin fadlan naga la soo xiriir: 416-744-0066 amma email: info@rexdalechc.com